Kusoo Dhawoow Xuluul, Mareegta Xirfadlayda ku xireyso Macaamiisha rabo in howl loo qabto. Fadlan si dagan u akhri oo aqbal shuruudda hoose ee isticmaalka Platform-ka. Inaad website-ka dhexqaado oo aad sii socoto waxay ka dhigantahay inaad aqbashay shuruudadahan.


1. Aqbalaadda Shuruudaha


1.1 Heshiis:

isticmaalkaaga iyo ka faaiideysiga Xuluul, waxay ka dhigantahay inaad ogoshahay Shuruudaha, xeerarka iyo Siyaasada Arrigamaha Gaarka (Privacy Policy) ee noo yaalo IWM.


1.2 Waxkabadal

Xuluul xili ka xili ayaa laga yaabaa iney shuruudahan wax ka badasho. Waa mas’uuliyad adi ku saaran inaad la soco kana warheyso wax-ka-badal-ka iyo cusbooneysiinta shuruudahan.


2. Akoonada isticmaalaha


2.1 isdiiwaangalin:

Si’ uu meelaha qaar u galo website-ka dhexdiisa, isticmaaluhu wuxuu u baahanyahay inuu isdiiwan galiyo, xisaabna furto, isagoo bixinayo macluumaad sax ah oo dhameystiran xiliga isdiiwaan galinta.


2.2 Amaanka akoonka:

Waa mas’uuliyad saaran isticmaalayaasha iney ilaaliyaan gaar ahaanshaha macluumaadka xisaabaadkooda iyo iney Xuluul kusoo wargaliyaan si dagdag ah, hadey dhacdo in akoonkooda la galo ogolaansho la’aan.


3. Waajibaadka isticmaalayaasha


3.1 Hab-Dhaqan:

Isticmaalayaasha waxay aqbaleen inay si mas’uuliyad ku jirto u isticmaalaan Xuluul, iyagoo ku dhaqmayo dhamaan xeerarka la fal gali karo, iyo ineysan ku kaceyn falal dhib u geysan karo Platformka iyo Isticmaalayaasha.


3.2 Waxaad faafin karto:

Isticmaalayaasha waxay mas’uul ka yihiin waxay kusoo gudbiyaan Xuluul, waana iney hubiyaan in waxa ay soo gudbinayaan ka maran yihiiin wax isdaba marin, cabsi galin, iyo wax walba oo dhaawici karo dhaqanka suuban ee bulshada soomaaliyeed.


4.Habka wada xiriirka ee xirfadlayda (Freelancers) 


4.1 Wada Xariirka Platform-ka dhexdiisa:

Xirfadlayaasha isticmaalo Xuluul waxaa ka reeban iney ku dhax faafiyaan Platform-ka meelaha gaarka ee lagala xariiri karo sida; Taleefan, email, ama meela kale oo ay si toos oogala xariiri karaan macaamiisha banaanka Xuluul.


4.2 Xiriirka Gudaha Xuluul:

Waxaa waajib ah inay ka dhacaan gudaha Xuluul; dhamaan xiriirada kala duwan ee dhax marayo Xirfadlayda iyo Macaamiisha, iyadoo la isticmaalayo habka qoraal isu dirka (messaging system) ee uu platformku leeyahay. Tan waxa ay kor u qaadaysaa hufnaan, isla-xisaabtanka, iyo bey’ad badqabto iney labada dhinacba helaan.


4.3 Hakinta Akoon xadgudub sameeyey:

Xirfadlayaasha (Freelancers) lagula iney ku xadgudbeen siyaasada wada xariirka ku xusan 4.1 waxa la kulmi karaan in akoonkooda la hakiyo, shaqadana laga joojiyo. Xuluul waxay xaq u leedahay iney qaado talaabada ku haboon oo ay ku jiri karto iney akoonka gabi ahaanba laga xiro xirfadlaha waa haddii uu xad gudub dhaco.


4.4 Warinta Xadgudub:

Isticmaalayaasha waxaa lagu dhiirigalinayaa iney nala wadaagaan fal kaste oo aan ogolaansho heysan kaas oo ku saabsab Wada xiriir ka baxsan xeyndaabka Xuluul Platform.


5. Adeegyada iyo isla falgalka.


5.1 Heshiiska adeega:

Xuluul waxa ay fududaynaysaa heshiis dhex mara Macaamiisha iyo Xirfadlayda. Isticmaalayaasha ayaan masu’uul ka ah qeexidda shuruudaha howsha la fulinayo (Project Terms), Xadigeeda, iyo sida loo gudbinayo.


5.2 Habka Qarash Bixinta:

Waxaan adeegsanaa hab aamin ah oo qarashka la isugu gudbiyo. Isticmaalayaashu waxay aqbaleen iney u hogaansamaan siyaasadda qarash bixinta ee u dagsan mashruuc ama howl kaste. 


6. Mulkiyad Fikradeed


6.1 Lahaansho:

Isticmaalayaasha waxay ay leeyihiin waxay ku dhax abuuraan Xuluul ee content ah. Isticmaalka Xuluul, isticmaalayaasha (users) waxay ogolaadeen ayna siiyeen Shati isticmaal aanan gaar aheyn, mulkiyad fikradeedna ku xirneyn, kaasoo ay adeegsan karto, faafin karto, dib usoo saari karto.


7. Afeef iyo Xadidaad


7.1 1 Damaanad la’aan:

Xuluul ma damaanad qaadi karto Tayada, Saxnaanta iyo sida la isugu haleyn karo Xirfadlayaasha adeegyada ay soo bandhigaan. Isticmaalayaasha ayagaa ka masuul ah isla fal galkooda. 


7.2 Helitaanka Platform-ka:

Iyadoo aan markaste ku dadaaleyno in waqti walba la heli karo Platform-ka Xuluul hadana ma damaanad qaadi karno helitaan joogta ah. Cilad farsamo ayaa dhici karto, dayactir ayaan Khadka ooga bixi karnaa, iyo xaalado kale oo soo boodo ah ayaa dhici. 


8. Xirid


8.1 Iska Xiridda Akoon:

Isticmaalaha waxa uu xag u leeyahay inuu akoonkiisa xiro waqtiga uu doono isagoo raacayo hab raaca u dagsan Xuluul.


8.2 Xiridda Akoon:

Xuluul waxay xaq u leedahay iney xirto ama joojiso akoon ku xadgudbay Shuruudahan iyo Siyaasadaha u dagsan.


9.Qaabkaad Noolasoo Xariiri Karto


Wixi su’aalo iyo faahfaahin ah oo ku saabsan Shuurdaha kore, fadlan nagala soo xariir iimeelka info@xuluul.com.